Tixraace Fudud Ee Muslimka - Fahd Salem Bahammam

Tixraace Fudud Ee Muslimka

Por Fahd Salem Bahammam

  • Fecha de lanzamiento: 2016-12-14
  • Género: Islam

Descripción

Markaad bogto akhrisashada kitaabkan waxaad ahaaneysaa mid bartay qaybo muhiim oo ka mid ah axkaanta Islaamka, oo kasbaday cilmi kuu suura gelinaya inaad kula dhaqanto dhacdooyinka nolosha hareerahaaga ah si waafaqsan sharciga Ilaahay iyo diintiisa. 
Waan kuugu bogaadineynaa arrnikaa, waayo aqoon la’aani waa iftiin la’aan, aqoontuna waa faa’ido weyn iyo wanaag, oo xusuusnow in Allaah uu aammaanay cilmiga marka lagu dhaqmo, wuxuu yiri Kor ahaaye: 
}ا لِذيَناآَتْيَناُهُماْلِكَتاَبَيْتُلوَنُه َح قِتَ َوِتِهاأُوَلِئَكُيوؤِْمُنوَنِبه{(البقرة:121). 
“Kuwa aan siinnay Kitaabka waxay u akhriyaan sida uu mudan yahay in loo akhriyo, kuwaas baa rumeysan” (Al-Baqarah: 121) 
Ee gasho niyada inaad ku camal fasho cilmiga oo ku dhaqanto sharciga Ilaahay iyo diintiisa intaad awooddo oo karto, wixii aad ka gaabisana ka toobad keen oo ka dambi dhaaf dalab oo gooso inaad u laabato oo u noqoto Allaah, waayo Allaah naxariis badnaha wuxuu leeyahay: 
} َفا ت ُقوا ا َ َما اس َت َط ْع ُت ْم{ (التغابن: 16). 
“Ka cabsada Allaah intaad kartaan” (At-Taghaabun: 16) 
Oo ku dadaal faafinta cilmiga aad baratay, sidaas buuna cilmiga ku kordhaa oo ku mira dhalaa, Rasuulkeennana  wuxuu nagu dhiirra geliyey faafinta cilmiga iyo isugu baaqa xagga Ilaahay inta uu gaaraba cilmiga aad leedahay, Nabigu  wuxuu yiri: “ Iga gaarsiiya dadka
kolay ku tahay hal Aayad” (Al-Bukhaari 3274) 
Allahayow sii nafahayga taqwadooda, oo daahiri Adigaa u wanaagsane cid daahirisa, waa Adiga
kan xafida ee mudanheeda ah.